Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay heshiis cusub oo iskaashi dhinaca amniga ah oo ay Soomaaliya la gashay dalka Uganda, tallaabadan oo muujinaysa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee lagu doonayo la-dagaallanka argagixisada iyo adkaynta xasilloonida gobolka.
Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada yeeshay, kaas oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kaa oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, horumarka hawlgallada milatari ee socda, iyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Madaxweynaha ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu ku adkeeyay muhiimadda midnimada qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ilaalinayo madaxbannaanida iyo amniga fog ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wada-shaqeynta dalalka deriska iyo saaxiibada gobolka ay tahay laf-dhabarta guulaha ay gaareen ciidammada amniga Soomaaliya, xilli ay sii xoojinayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagexisada ah.
Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka la gaaray, iyagoo mar kale adkeeyay go’aanka dowladda ee ah in la sii wado cadaadiska lagu hayo kooxaha argagixisada, isla markaana la xoojiyo hay’adaha dowliga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiisyo caalami ah, hindise-sharciyeedyo iyo siyaasado qaran oo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah ajendaha dib-u-habeynta ballaaran ee dowladda.











