Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula qaatay dhiggiisa Boqortooyada, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaahi Aal Sacuud.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Riyaad ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyo arrimo la xiriira madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga taageerada joogtada ah ee ay u muujisay Soomaaliya, isagoo ammaanay mowqifka cad ee Sucuudigu ka taagan yahay midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalka Sucuudi Carabiya ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Boqortooyadu diidan tahay tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, maalgashiga, ganacsiga, waxbarashada iyo difaaca, iyadoo lagu falanqeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah leh.











