Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan guddoominaya shir aan caadi ahayn ee Golaha Wasiirrada XFS ah, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Sida wararka lagu helayo, shirka ayaa diiradda lagu saaray go’aanno muhiim ah oo la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo la falanqeeyay xaaladaha isbeddelaya ee gobolka iyo mowqifyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu wadaa in looga doodo isbedel lagu sameynayo talisyada ciidamada qalabka sida, si loo xoojiyo amniga dalka iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in go’aannada ka soo baxa shirka la filayo inay saameyn ballaaran ku yeeshaan jihada siyaasadeed iyo amni ee dowladda Federaalka, waxaana la sugayaa war rasmi ah oo faahfaahinaya natiijada kulanka.











