Wararka ka imaanaya Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka uu qarax miino ka dhacay waddada cusub ee isku xirta deegaanada Dhaadaar iyo Boosaaso, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa lala beegsaday baabuur miino-baar ah oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland, sida ay sheegayaan wararka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxu uu sababay geerida 3 askari iyo dhaawaca 5 kale.
Saddexda askari ee ku geeriyooday qaraxa ayaa kala ah.
Jaamac Maxamed Caduur, Taliyihii Saadka Ururka Dayax ee Ciidamada Puntland, Miina-baarihii ciidanka iyo Darawalkii baabuurka miina-baarka waday.
Sidoo kale, ilaa shan askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si loogu daweeyo dhaawacyadooda.
Ciidamada Puntland ayaa hadda wada hawlgal baaris iyo xaqiijin amni ah oo ka socda halka uu qaraxu ka dhacay, si loo xaqiijiyo amniga waddada loona baadi-goobo cidda ka dambeysay falkaasi.
Maamulka Puntland ayaa weli ka hadlin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxan











