Gaari leyla ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa xalay miino kula kacday duleedka degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa sababay Dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen darawalkii gaariga iyo 7 qof oo shacab ah oo rakaab la socday.
Goobjoogayal ayaa sheegay in Gaariga safarka ahaa ee u socday degmada Ceeldheer ee miinadu kula kacday deegaanka lagu magacaabo Sarta Magad.
Gaari-ka ayaa marayay waddo caadi ah xilli habeen ah, waxaana la xaqiijiyay in miinada ay ahaayeen kuwo ay dhigeen Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah u beegsada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Laamaha amniga ayaa gaaray goobta, waxayna bilaabeen baaritaanno ku saabsan dhacdadaasi.











