Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay doorka dhismaha leh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka qaadaneyso taageeridda wada-hadalka qaran ee dalka Yemen, gaar ahaan martigelinta shirweyne ballaaran oo ka dhacaya magaalada Riyadh.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in hindisahan uu muujinayo dadaal dhab ah oo lagu xoojinayo wada-hadal nabadeed, isla markaana lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen.
Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay taageeradeeda dhammaan dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta, iyadoo ku baaqday in dhinacyada Yemen ay doortaan wadada wada-hadalka iyo is-afgaradka.











