Qaraxyo laga Maqlay Caasimadda Venezuela ee Caracas

5

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Venezuela ee Caracas, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Venezuela iyo Mareykanka.

Wakaaladda wararka AP ayaa ku warrantay in ugu yaraan toddobo qarax la maqlay, islamarkaana la arkay diyaarado si hoose u duulaya hawada sare ee magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaybo ka mid ah koofurta magaalada Caracas, gaar ahaan agagaarka saldhig militari oo weyn, ay korontadu ka go’day, taas oo sii kordhisay cabsi iyo walaac laga qabo xaaladda amni.

Maalmihii u dambeeyay, dowladda Venezuela ayaa muujisay diyaar garow ay u leedahay wada-hadallo ay la gasho Mareykanka si looga wada shaqeeyo la dagaallanka ka ganacsiga daroogada, sida uu sheegay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro, inkasta oo uu ka gaabsaday faahfaahin ku saabsan warar sheegayay in Mareykanku weerar sirdoon (CIA-led strike) ka fuliyay dalkaas toddobaadkii hore.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Maduro ku sheegay wareysi hawada galay Khamiistii, xilli uu muujinayay luuqad ka dabacsan tii hore ee uu kula hadli jiray Mareykanka, kaddib bilo cadaadis militari iyo cunaqabatayn dhaqaale ah oo Washington saartay Venezuela.