Waxaa dibadda u soo baxay Khaladaadkii ugu horeeyay ee Doorashadii Golaha degaanka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacday 26-kii bishan Disembar.
Guddiga Doorashooyinka Qaran ayaa baahiyay isbedel ku yimid ugu yaraan natiijada hal degmo, iyadoo arrintan ay dhalisay shaki.
Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa ka hor yimid isbedelka lagu sameeyay natiijadii ay hore u shaaciyeen Guddiga Doorashada ee degmada Waaberi.
Xisbiga Shariif Xasan ayaa u dabaal degay markii la shaaciyay inuu 2,968 cod ka helay degmada Waaberi, balse Guddiga Doorashooyinka ayaa xisbiga ku wargeliyay in natiijadaas ay khalad ahayd oo uu lahaa Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Natiijada cusub ee Guddiga Doorashooyinka ayaa muujisay in Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran ee Shariif Xasan uu helay 407 oo kaliya, waxaana tiradii hore ee ahayd 2,968 loo wareejiyay Xisbiga JSP, sida ku cad qoraalka dambe ee Guddiga Doorashooyinka.
Arrintan ayey Guddigu ku fasireen khalad dhinaca farsamada ah oo ay dib u saxeen; balse waxaa ka biyo diiday xisbiga Shariif Xasan oo la filayo inay si toos ah arrintan uga hadlaan oo qaadacaan doorashada dhan.
Sidoo kale waxaa soo baxaya warar ku saabsan xisbiyo kale oo cabasho ka keenay natiijada ay ka heleen doorashada iyo qaar sheegay inay dacwad u qoranayaan maxkamadda sare.
Guddiga Doorashooyinka ayaan weli ku guuleysan inay qanciyaan ururrada ka qeyb galay doorashadii Golaha degaanka Gobolka Banaadir, waxayna dood culus ka taagan tahay sida xisbiyada loogu qeybinayo kuraasta ay ka heleen degmo kasta.
Guddiga ayaa soo saaray liis ku saabsan tirada uu xisbi kasta ka helay kuraasta Golaha degaanka Gobolka Banaadir, balse lama yaqaan tirada xisbi kasta ee degmooyinkii laga tartamay iyo cidda kusoo baxday.











