Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Yemen, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo ay sheegtay inay wiiqi karto sharciyadda dastuuriga ah ama hay’adaha qaran ee dalkaas.
War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si adag u garab taagan tahay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, isla markaana ay muhim tahay in la gaaro xal siyaasadeed oo nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Yemen laftoodu.
Xalkaas, ayay tiri Soomaaliya, waa inuu ilaaliyaa madax-bannaanida qaranka Yemen kana jawaabaa hamiga shacabka ee ku aaddan amni, xasillooni iyo horumar waara.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee taageerada amniga Yemen iyo xasilloonida gobolka, iyadoo tilmaantay dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bani’aadannimo ee Riyadh ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda, lagu yareeyo dhibaatada bani’aadannimo, laguna horumariyo geeddi-socod nabadeed oo dhammaystiran oo waafaqsan qaab-dhismeedyada caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ammaanay isbahaysiga uu Sacuudi Carabiya hoggaamiyo ee taageeraya dowladda Yemen, iyadoo la sheegay in dadaallada isbahaysigaasi ay ujeedkoodu yahay ilaalinta hay’adaha dowladda Yemen, dhowrista midnimada dhuleed ee dalkaas iyo taageeridda geeddi-socodka nabadda.
Muqdisho ayaa muujisay midnimo buuxda oo ay la garab taagan tahay Sacuudi Carabiya, iyadoo mar kale ku celisay diidmadeeda ku aaddan hanjabaad kasta oo khatar ku ah amniga Boqortooyada, marin-biyoodka caalamiga ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in amniga iyo xasilloonida Yemen ay muhiim u yihiin badbaadada Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay sii xoojiso taageerada dadaallada lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara oo soo afjara colaadda, dibna u soo celiya xasilloonida Yemen iyo doorkeeda muhiimka ah ee gobolka.











