Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabidda abaarta

2

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay wejigii labaad ee dadaallada qaran ee wax looga qabanayo abaaraha ka taagan qeybo badan oo dalka ah, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta ka jawaabidda abaarta, kaas oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hay’adaha lafShirkan ayaa ah horudhac u ah shir heer wasiir ah oo la filayo in dhawaan la qabto, kaas oo lagu mideynayo dadaallada dowladda ee ku aaddan ka jawaabidda abaarta iyo maareynta saameynta bini’aadantinimo ee ka dhalatay-dhabarta u ah nolosha dadweynaha.

hirka waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, iyo sidoo kale Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan saameynta abaarta, oo ay ka mid yihiin heerka biyo la’aanta, webiyada guranaya, ceelasha qallalay, dadka ku barakacay deegaannadooda, iyo khasaaraha soo gaaray xoolaha nool.

Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay in la dardargeliyo hababka ugu wax ku oolsan ee looga jawaabi karo abaarta, iyadoo la adeegsanayo kheyraadka hadda la heli karo, lana xoojinayo iskaashiga dowladda, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.