Puntland oo ugu Baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh in uu Tixgeliyo Natiijooyinka Shirkii Kismaayo

4

— Wasiirka Dowlaha Madaxtooyadda Puntland Cabdifitaax Maxamed Abdinur, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku boorriyay inuu tixgeliyo oo si wanaagsan uga jawaabo natiijooyinka ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo lagu soo afjaray xalay Kismaayo.

Waa nasiib-darro in Madaxweynaha uusan arkin dhinacyada wanaagsan ee shirka Kismayo, halkii uu isku dayi lahaa inuu dadka Soomaaliyeed isku keeno, waxa uu u muuqdaa inuu sii kala qaybinayo shacabka,” ayuu yiri Wasiirka.

“Wuxuu u dhaqmay sidii Kismayo ay meel shisheeye u tahay isaga, iyo sidii dadka halkan isugu yimid aysan waxba ogeyn marka laga reebo waxa uu keligii garanayo. Tani ma ahayn waxa laga filayay Madaxweynaha. Waxaa haboon in uu soo dhaweeyo shirka oo uu rajeyn lahaa natiijooyin togan, balse taa beddelkeeda, wuxuu dalka u wado jihada qaldan.”

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka digay ku dhegganaanta awoodda, isagoo xusuusiyay madaxda xilka haya muhiimadda isla xisaabtanka siyaasadeed. “Waxaa jira nolol ka dambeysa xilka, wuxuuna fahamsan yahay in awoodda aan lagu hayn karin weligeed kursi,” ayuu intaa ku daray.

adalladan ayaa imanaya, iyadoo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay Madaxweynaha ku booriyeen inuu shir ku soo ururiyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee dalka gudaheeda muddo bil gudaheed ah, iyagoo January 20, 2026, u asteeyay waqtiga kama dambaysta ah ee lagu gaari karo heshiis ku saabsan doorashooyin waqtigooda ku qabsooma.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirka, oo ka dhacay Kismayo laga bilaabo 18 ilaa 20ka December 2025, ayaa xisbiyada mucaaradku ku digay in haddii Madaxweynaha uusan ka jawaabin baaqa, ay qaadi doonaan tallaabooyin doorasho kale lagu qabanayo, si looga hortago faaruq dastuur, amni xumo, iyo khataraha argagixisada.

Shirkan ayaa isugu yimid siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdon (Saacid), iyo Wasiirkii hore Cabdiiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wasiir C/fitaax ayaa khudbad ka jeediyay xafladdii soo xiridda shirka, isagoo ku adkeeyay Madaxweynaha in uu danaha qaranka ka hormariyo kuwa shaqsiyeed, islamarkaana laga digtoonaado talaabooyin sii kala qeybin kara dalka.

Sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha, in ka badan 1,500 ka qaybgalayaal, oo ay ku jiraan ku dhawaad 80 weriye, ayaa ka soo qeyb galay shirka. Madaxda mucaaradku waxay ka doodeen hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, iyo bini’aadminimo, iyagoo maamulka Xasan Sheekh ku eedeeyay fashilka hogaaminta iyo siyaasado sii kala fogeeyay bulshada.