Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir qaran oo ballaaran oo lagu dardargelinayo ka-jawaabista abaaraha ka jira dalka.

Shirkan, oo ka socda Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda SoDMA, ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah wasiirrada dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Diiradda shirka ayaa lagu saarayaa qiimeynta guud ee xaaladda abaaraha dalka, saameynta ay ku yeesheen nolosha iyo maciishadda dadka, iyo sidii si wadajir ah oo degdeg ah looga jawaabi lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loo badbaadiyo noloshooda loona yareeyo saameynta musiibada. Waxa uu ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa kale ee ay khuseyso arrintan inay muujiyaan iskaashi iyo isku-duubni.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Hay’adda SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada gurmadka iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in gargaar wax ku ool ah uu gaaro dadka u baahan ee ku nool deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.