Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen, halka 214 kalena ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo horraantii bishan ka dhacay magaalada Boorama, oo ah xarunta gobolka Awdal, kadib iska horimaad dhex maray ciidammada ammaanka iyo dhallinyaro mudaharaadaysay.
Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, oo hadalka ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay, isaga oo ay goobta joogeen masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in 22 qof ay weli ku jiraan isbitaallo, kuwaas oo 20 ku sugan Boorama halka laba kale lagu daweynayo Hargeysa.
Waxa uu intaa ku daray in sagaal qof markii hore loo qaaday Hargeysa, balse toddoba ka mid ah loo sii gudbiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si loogu helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah, isaga oo xusay in xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagays
Mataan, oo xilka si rasmi ah ula wareegay maanta, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu dejin karo xiisadihii ka dhashay mudaharaadyada, isaga oo xusay doorka ay dadka reer Awdal ka qaateen gooni-isu-taagga Somaliland iyo horumarkeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in Awdal uu ka mid yahay gobollada ugu nabdoon Somaliland, isla markaana dhacdadii Borama aysan ahayn mid si ula kac ah loo abaabulay. Wuxuu ku tilmaamay “shil lama filaan ah” oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ugu baaqay shacabka Boorama iyo guud ahaan gobollada galbeedka in ay ka fogaadaan qalalaase dambe.
Waxa uu ku boorriyay beelaha deegaanka in ay ilaashadaan wada noolaanshaha nabadeed ee ay muddo dheer ku wada noolaayeen.
Rabshadaha Boorama ayaa billowday kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda muranka dhalisay ee Xeer Ciise, taas oo markii dambe la hakiyay.











