Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka iyo saraakiisha sare ee hay’adaha amniga ayaa kulan muhiim ah ka yeeshay doorashada la filayo inay ka dhacdo caasimadda.
Kulankan, oo diiradda lagu saaray diyaargarowga iyo sugidda amniga doorashooyinka, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adaha amniga caasimadda.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka, adkaynta amniga goobaha loo asteeyay in doorashadu ka dhacdo, iyo xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu helaan doorasho ku dhacda jawi nabdoon, xasilloon, isla markaana amni buuxa leh.











