Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirka Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan dalka, gaar ahaan wax-ka-beddelkii lagu sameeyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo muran xooggan dhaliyay, iyo sidoo kale nidaamka doorashooyinka ee la qorsheynayo sanadka 2026.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaal siyaasadeed, xubno ka tirsan mucaaradka, waxgarad iyo mas’uuliyiin hore oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo ka arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed iyo badbaadinta midnimada iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf shaqsi ah oo isaga kala dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Madaxweyne Xasan wax shaqsi ah iskuma hayno, cafis ayuuna iga yahay, keliya waxa aan u baahan nahay waa in aan dalka badbaadinno,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la filayaa in shirka, oo socon doona maalmo, ay ka soo baxaan go’aanno adag iyo qodobo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ee soo socota.