Kismaayo ayaa si diirran u soo dhaweysay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo miisaan leh, kuwaasoo ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Labada mas’uul ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo xubno ka tirsan golihiisa, iyadoo soo dhaweynta ay muujinaysay muhiimadda ay booqashadani u leedahay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulamada la filayo inay ka dhacaan Kismaayo ay sidoo kale ka hadli doonaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, mustaqbalka nidaamka doorashooyinka, iyo baahida loo qabo is-afgarad qaran oo ka horreeya doorashooyinka soo socda.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Kismaayo ay mar walba diyaar u tahay martigelinta wada-hadallo qaran oo lagu raadinayo xalal waara, isagoo xusay in is-afgarad siyaasadeed uu yahay furaha xasilloonida iyo horumarka dalka.











