Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Intii uu socday kulanka soo dhaweynta ah oo ka dhacay qeybta qaabilaadda garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah.
ocdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo haatannay Dowladda Soomaaliya danaynayso in la maalgali











