Gollaha Shacabka oo dhaariyey Wasiir cusub, kana dooday hindise-sharciyeedyada deegaanka iyo saadaasha hawada

8

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad, xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyey Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Kadib, Xildhibaanada ayaa marsiiyey akhrinta koowaad ee laba hindise-sharciyeed: Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya iyo Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Wasiirka wasaaradda, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa warbixin ka siiyey Golaha.

Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, hindise-sharciyeedyada markay mareen akhrinta koowaad looma oggola in laga dooddo. Hase yeeshee, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyey wasiirka mabaadi’da guud ee labada hindise-sharciyeed.