Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Shaaciyay Dhammaystirka Qorshaha 10,000 Macallin

8

Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa shaaciyay in dhowaan la dhammaystiri doono hirgelinta qorshaha 10,000 oo macallin ah oo ay hore u ballan-qaadday Wasaaradda Waxbarashada.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka qayb galay munaasabadda Maalinta Soomaaliyeed ee 22-ka November 2025, halkaas oo uu si cad ugu adkeeyay Wasaaradda Waxbarashada inay dedejiso dhammaystirka diiwaangelinta macallimiinta harsan.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay ka jawaabi doonto baaqa Madaxweynaha, isla markaana ay dhammaystiri doonto qorshaha, kaas oo ay barbar socon doonto tababar ballaaran oo la siinayo dhammaan macallimiinta hadda shaqeeya.

“Waxaan gabagabeynaynaa qorshaha 10,000 macallin, sidoo kale waxaan tababaraynaa dhammaan macallimiinta shaqada ku jira, Diiradda waxaan saaraynaa manhajka waxbarashada iyo dib-u-dhiska dugsiyada,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday isbeddello lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada, si loo daboolo baahiyaha jira loona hubiyo in carruurta Soomaaliyeed helaan waxbarasho tayo leh.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in mudnaan gaar ah la siinayo goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si halkaas looga daboolo farqiga waxbarasho ee jira.