Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hadallo adag ku weeraray qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo sheegay in Muqdisho ay ka gudubtay marxaladihii qaraxyada, fowdada iyo madax-jebinta siyaasadeed.
Muungaab ayaa sheegay in caasimaddu aysan mar dambe aqbalayn in siyaasadda lagu raadiyo qalalaase amni, isagoo yiri:
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Muqdisho ay ka nasatay qaraxyo, fooriyow iyo musiibooyin uu sheegay in horay loogu adeegsan jiray loollan siyaasadeed, wuxuuna xusay in amniga caasimaddu uu marayo heer ka duwan kii hore.
Sidoo kale, Muungaab oo dhawaan qaatay kaarka cod-bixinta, ayaa shaaciyay in dalka uu u jihaystay doorasho qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay codkooda si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.
Isagoo sii wada hadalkiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay wali ku fekeraan habab hore oo qalalaase ku dhisan, wuxuuna yiri:
“Qof kasta oo leh Xamar amni ma aha, wuxuu la rabay fooriyow, madax-jebin iyo qaraxyo. Taasi waa waqti tagay.”
Hadalladan ayaa imanaya xilli uu sii xooganayo dooda la xiriirta hanaanka doorashooyinka dalka iyo amniga Muqdisho, taas oo u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.











