Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixiyay $76.37 milyan oo maalgelin dheeraad ah oo loogu talagalay Kaabayaasha Waddooyinka Soomaaliya, kaas oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca marin-ganacsiyeedka Geeska Afrika ee isku xira Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.
Maalgelintan cusub ayaa waxay ka kooban tahay $49.16 milyan oo ka imaanaya Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) iyo $27.21 milyan oo ka imanaya Sanduuqa Taageerada Kala-guurka (TSF), kaas oo taageera dalalka ay saameeyeen nuglaanshaha iyo colaadaha.
Bangigu wuxuu sheegay in barnaamijkani ujeedkiisu yahay hagaajinta isku-xirka gaadiidka gudaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah ee Geeska Afrika, iyadoo mashruuca lagu doonayo in lagu kiciyo ganacsiga xuduudaha ka gudba, lagu xoojiyo isdhexgalka gobollada, isla markaana lagu yareeyo nuglaanshaha marinnada gaadiidka muhiimka ah ee gobolka.
Agaasimaha Kaabayaasha iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Kooxda AfDB, Mike Salawou, ayaa sheegay in codsiga maalgelinta dheeraadka ah uu ka dhashay ballaarinta baaxadda mashruuca markii hore. Maalgelintan cusub ayaa si gaar ah loogu adeegsan doonaa casriyeynta laba waddo oo istiraatiiji ah, kuwaas oo kala ah waddo dhererkeedu yahay 15 kiiloomitir oo isku xirta Saylac iyo Asha Addo ee Somaliland, iyo waddo 22 kiiloomitir ah oo isku xirta Beledweyne iyo Kalabeyr ee Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Bangiga, marka laga soo tago dhismaha waddooyinka, mashruucu wuxuu sidoo kale ka kooban yahay barnaamijyo horumarineed iyo adkaysi bulsho oo lagu horumarinayo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, sida qodista ceelal-biyood, dayactirka goobaha waxbarashada si loogu beddelo xarumaha horumarinta xirfadaha, dhismaha suuqyo iyo goobo kayd ah, iyo dib-u-habaynta xarumaha caafimaadka.
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in barnaamijka la ballaariyay laga filayo inuu si weyn u hagaajiyo nolol-maalmeedka bulshooyinka ku nool marinnada gaadiidka, isla markaana uu xoojiyo doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isku-xirka gobolka Geeska Afrika.











