Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka dooda akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada hindise sharciyeedka iyaga oo ku saleynaya mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedka, maadaama uu marayey akhrinta koowaad, sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dhisida Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddiga iyo Axdiga Xakameynta Tubaakada.
.











