Muqdisho – Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud saxiixa rasmiga ah ee dhameystirka dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha, oo ku beegmay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, uu muujinayo go’aan adag iyo dhowrsanaan uu Madaxweynaha u leeyahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan si miisaan leh ugu mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta qalinka ugu duugay dhameystirka Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, guddigaas oo horey u ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada,” ayey tiri Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Wasiirka ayaa intaas ku dartay in tallaabadan ay soo afjareyso geeddi dheer oo sanadihii la soo dhaafay lagu bixiyay dhismaha guddiga, dadaal ay Wasaaraddu hormuud u ahayd muddo badan si Soomaaliya u yeelato hay’ad madax bannaan oo si gaar ah u ilaalisa xuquuqul insaanka.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa sanadihii la soo dhaafay ku hawlanayd hirgelinta go’aammadii kasoo baxay Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul Insaanka, iyada oo saxiixa Madaxweynaha uu dhameystir u yahay waajibaadka dastuuriga ah ee dhismaha guddiyada madaxbannaan ee qaranka.











