Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Gen. Dhagabadan ee Degmada Wadajir

3

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay afaafka hore ee xerada Gen. Dhagabadan, oo horey loogu yiqiin Xero Nac Nac, kana tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qof naftiis hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dayay inuu gudaha u galo xerada lagu tababaro ciidanka ku biiraya dowladda Soomaaliya. Ilaa hadda lama shaacin sida uu ku soo gaaray albaabka xerada, balse ciidamada joogay goobta ayaa ka hor istaagay inuu gudaha u gudbo.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu xaqiijiyay in ninka ismiidaamiyaha ah ay ciidamada toogteen ka hor inta uusan gudaha u gelin xerada, hase ahaatee qaraxu uu dhacay xilli uu ku jiray isku daygiisii gelitaanka.

Qaraxa ayaa sababay dhaawac gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalinayay xerada, inkastoo aysan dowladda weli faahfaahin tirada dhaawaca iyo khasaaraha kale ee ka dhashay.

Xerada Gen. Dhagabadan (Xero Nac Nac) oo ku taalla degmada Wadajir, ayaa horey u ahayd bartilmaameed ay Al-Shabaab dhowr jeer ku qaadeen weeraro ismiidaamin ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Taliska ciidanka xoogga ayaa sheegay in feejignaan dheeri ah la geliyay xerada, isla markaana ay wadaan baaritaan ku saabsan sida uu fuliyaha ismiidaaminta ku soo gaaray agagaarka xerada. Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo xoog leh oo lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, iyadoo ciidanku ay sheegeen inay sii wadi doonaan ka hortagga falalka argagixisada ee Al-Shabaab ku bartilmaameedsato fariisimaha militari iyo dadka shacabka ah.