Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Maraykanka oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Bani’aadannimo

2

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV, kaas oo ka dhacay gudaha Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa xooga lagu saaray adkaynta iskaashiga bani’aadannimo iyo sida loo sii ballaarin karo taageerada wax-ku-oolka ah, xilli Maraykanku uu tobankii sano ee la soo dhaafay ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, isaga oo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.

Intii lagu jiray abaartii ba’nayd ee 2022, Dowladda Maraykanka waxay Soomaaliya si degdeg ah ugu deeqday USD 1.3 bilyan, oo ay ku jiraan in ka badan USD 700 milyan oo gargaar bani’aadannimo toos ah, taas oo door weyn ka qaadatay ka hortagga macluusha iyo u gurmashada bulshada ay abaartu si daran u saamaysay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Maraykanka ee mustaqbalka dhow, gaar ahaan sidii Washington mar kale hoggaan muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga looga jawaabayo abaarta hadda ka jirta dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Safaaradda iyo Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee howlaha bani’aadannimo iyo dadaallada waaweyn ee la xiriira dhismaha hay’adaha dowladnimo ee Soomaaliya.