Hay’adda SODMA oo sheegtay inay faaruq yihiin bakhaarada kaydka raashinka gurmadka abaaraha

6

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa sheegtay in keydkii cuntada degdegga ah ee dalka uu gebi ahaanba faaruqay, inkasta oo malaayiin dollar oo gargaar shisheeye ah hore loogu qoondeeyay in lagu taageero bulshooyinka ay abaartu ku sii xoogaysaneyso.

Maxamuud Macallin Cabdulle, Agaasimaha Guud ee SODMA, ayaa ka digay in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn inay si wax-ku-ool ah u caawiso tirada sii kordheysa ee dadka ay abaartu saameysay.

Warkan ayaa kuso beegmay wax ka yar 48 saac kadib markii dowladda Shiinaha ay ku dhawaaqday deeq dhan US$1 milyan oo ay ugu talagashay SODMA, si loo xoojiyo gurmadka abaarta, gaar ahaan gobolka Awdal ee Somaliland.

Agaasimaha SODMA, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay “Alle keliya u haray,” isaga oo ugu baaqay culimada inay hoggaamiyaan abaabulka taageerada shacabka ee wajahaya gaajada iyo biyo la’aanta.

SODMA ayaa muddo dheer la kulmeysay eedeymo la xiriira maamul-xumo, musuqmaasuq iyo leexsashada sahayda gargaarka.

Soomaaliya ayaa weli la tacaaleysa abaaro soo noqnoqday oo ka dhashay isbeddelka cimilada, taas oo malaayiin qof gelisay xaalad cunto yari iyo nuglaansho. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in xaaladda hadda taagan ay keeni karto macluul haddii aan si dhaqso leh loo helin gargaar dheeri ah.

Agaasimaha SODMA kama uusan jawaabin su’aalaha ku saabsan sida loo isticmaalay deeqaha caalamiga ah ee dhowaan soo gaaray hay’adda, mana uusan caddeyn goorta ay SODMA rajeynayso in dib loo buuxin doono keydka cuntada degdegga ah.