Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka Qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qarannimada Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka Qatar, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, munaasabaddana si gaar ah loo soo hormariyey.

Munaasabaddan oo sanad walba la xuso 18-ka December, ayaa ka tarjumaysa midowga Qatar ee sanadkii 1878, waxaana maalintan qaran si rasmi ah loo asteeyey 21-kii Juun 2007. Maalintan ayaa sidoo kale xasuus gaar ah u ah Aasaasaha Qatar iyo halgankii taariikhiga ahaa ee lagu dhisay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey munaasabaddan, isaga oo uga mahad celiyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo, iskaashi, iyo horumar wadaag ah.

Intii uu ka hadlayay munaasabadda, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar uu sii xoogaysanayo, taas oo ka tarjumaysa danaha bulshada labada dal iyo himilooyinka horumarineed ee wadajirka ah.