Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inuu dib u cusbooneysiiyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ka hor inta aan mandate-kiisu dhicin dhammaadka bisha December.
Sidoo kale, Golaha ayaa dib u eegi doona cusboonaysiinta cunaqabateynta 2713 ee Al-Shabaab, oo ay ku jirto qaybta xannibaadda badda, taasoo dhacaysa 13-ka December.
Go’aankan ayaa sidoo kale qeyb ka ah muddada shaqo ee Guddiga Khubarada taageera Guddiga Cunaqabateynta 2713, kaas oo waajibaadkiisu dhamaanaya 13-ka Janaayo 2026.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameynaya shaqada AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Caqabadahan ayaa halis ku ah howlaha amni iyo xasilin ee dalka. Midowga Afrika ayaa dhawaan ku baaqay in beesha caalamku si degdeg ah u xaqiijiso maal‑gelin joogto ah, si loo hubiyo in ciidanka AUSSOM uu mushaharkiisa, sahaydiisa, iyo howlgalladiisa u helaan taageero buuxda.
Madaxda AU-da waxay sheegeen Haddii maal‑gelin la’aantu sii socoto, in ay dhici karto in guulihii laga gaaray la dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta goobaha laga xoreeyay Alshabaab, taasoo khatar gelin karta amniga bulshada Soomaaliyeed.
Dalalka taageera AUSSOM ayaa lagu booriyay inay kordhiyaan maal‑gelintooda, si hawlgalka uu u noqdo mid mideysan oo waxtar leh, ayna Soomaaliya u hesho nabad waarta.











