Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo ka qabsoomay hoyga uu magaalada ku degan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulankaas ayaa waxaa iskugu yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Wararka kasoo baxay kulanka ayaa sheegaya in Xildhibaanada iyo Madaxweyne Laftagareen ay isla qaateen go’aanka ah in mar labaad ay u dhisayaan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, taas oo sii xoojinaysa qorshaha Laftagareen uu ku doonayo inuu ku helo taageero ballaaran.
Kulamadan ayaa loo arkaa tallaabo uu Madaxweyne Laftagareen ku doonayo inuu ku kasbado beelaha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, iyada oo uu Muqdisho ka wado socdaallo iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan.
Horey, Madaxweyne Laftagareen ayaa heshiisyo kala duwan la galay siyaasiyiinta isaga ka soo horjeeday oo uu horeeyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo siyaasiyiin kale, si uu u ballaariyo saameyntiisa siyaasadeed.
Sidoo kale, Laftagareen ayaa la filayaa inuu sii wado kulamo uu la yeelanayo beelo iyo hoggaamiyeyaal kale oo siyaasadeed, si uu u helo taageero cusub oo ku aaddan qorshihiisa mustaqbalka siyaasadeed.











