Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.
Intii uu kulanka ka hadlayay, Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga, iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda. Waxa uu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha, iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammeystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada.
Waxa uu ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni, iyo horumar, isaga oo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.











