Beelaha dega gobollada Awdal iyo Salal ee galbeedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay dagaal, iyada oo odayaasha dabada ka wada in Saylac lagu qabto munaasibadda Xeer Ciise ay xalay dagaal kaga dhawaaqeen magaalada Diridhaba ee Itoobiya.
Odayaasha taageersan Xeer Ciise ayaa dagaalka ku baaqay kadib markii Xukuumadda Somaliland ay joojisay munaasibadda Xeer Ciise oo loo ballansanaa in 14-ka bishan lagu qabto Saylac. Haddaba, odayaasha diidan Xeerka ayaa iyaguna maanta Borama kaga dhawaaqay inay dagaal diyaar u yihiin.
Odayaasha dhaqanka ee beesha u badan gobolka Awdal oo maanta hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay la qaateen odayaasha wadda Xeer Ciise, iyada oo labada dhinacba ay wadaan diyaar-garow dagaal. Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal beeleed uu ka dhex qarxo labada dhinac.
Magaalada Borama ayaa saaka mar kale ku waabariisatay rabshado aan badnayn, iyada oo dad shacab ahi ay ku soo xoomeen xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland kadib markii ay suuqa ku faafeen warar sheegaya in xukuumaddu ay lacagta ka qaadayso baanka.
Haddaba, masuuliyiinta baanka oo hadlay ayaa beeniyay runnimada wararka sheegaya in lacagta baanka laga qaadayo, iyaga oo dhallinyarada ugu baaqay inay is dejiyaan. Dhanka kale, odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ayaa cambaareeyay tallaabada shacabka.
Inkasta oo rabshadihii ay istaageen, haddana xiisaddu waa kacsan tahay magaalada iyo hareeraheeda. Waxa jira dad hubaysan oo ku jira buuraha hareeraha magaalada kuwaas oo aan hubka dhigin, inkasta oo salaadiintu ay shalay ugu baaqeen inay hubka dhigaan.
Weli waxa qaboojiyayaasha yaalla maydadka dhallinyaro ka badan 10 oo ku nafwaayay rabshadihii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada. Sidoo kale, isbitaallada magaalada ayaa la tacaalaya dhaawacyada.











