Isku day afgambi ayaa ka socda dalka Benin, iyadoo koox askar ah ay sheegeen inay xukunka ka tuureen Madaxweyne Patrice Talon, ayna la wareegayaan talada dalka.
Askartan oo samaystay waxa ay ugu yeereen “Guddiga Milateriga ee Dib-u-aasaasidda” ayaa ka soo muuqday Telefishanka Dawladda subaxnimadan Axadda ah, iyagoo ku dhawaaqay inay sidoo kale hakiyeen dastuurka, ayna kala direen dawladda iyo xisbiyada siyaasadda.
Subaxdii ayaa magaalada laga maqlayay rasaas, iyadoo wararku ay sheegayaan in diyaaradaha qummaatiga u kaca ee milateriga ay dul heehaabayeen Cotonou.
Dalka Benin waxaa lagu waday in doorasho madaxtinnimo ay ka dhacdo bisha Abriil 2026, marka uu dhammaado muddada xilka ee Madaxweyne Talon. Waxa uu ballan qaaday inuusan isa soo sharrixi doonin mar saddexaad, wuxuuna horay u magacaabay qofkii beddeli lahaa.
Isku dayga afgambiga ee Benin ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii madaxweynihii Guinea-Bissau ee deriska la ah Benin, ee Umaro Sissoco Embalo xukunka laga tuuray.
Sannadihii u dambeeyay, Galbeedka Afrika waxaa ka dhacay afgambiyo dhowr ah, taasoo kordhinaysa cabsideeda laga qabo in xaaladda amniga ee gobolka ay ka sii darto.











