Somaliland oo dowlada Soomaaliya ku eedaysay faragelin iyo kicinta rabshadaha ka taagan Borama

0

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay waxa ay ku sheegtay faragelinta joogtada ah iyo tallaabooyin qalalaase abuuraya oo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku wado gudaha Somaliland, gaar ahaan xaaladda ka dhalatay rabshadihii shalay iyo maanta ka dhacay magaalada Borama.

Warsaxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in ficillada dowladda Soomaaliya ay yihiin “kuwa si qorshaysan oo isku dubaridan loogu talagalay in lagu huriyo xiisadaha, lagu faafiyo warar marin-habaab ah, laguna kala qaybiyo bulshada nabadda jecel ee Somaliland.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in arrimahaasi ay yihiin ku tumasho xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay ka turjumayaan “faragelin aan la aqbali karin oo lagu dhexgalayo arrimaha gudaha ee Somaliland.” Somaliland ayaa sheegtay in aanay marnaba oggolaan doonin “falal amni daro oo dibadda laga hagayo, kicin dadweyne, ama dadaallo lagu wiiqayo midnimada iyo isku-duubnida Somaliland.”

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in hay’adaha amniga ee Somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, dejinta xaaladda, iyo ilaalinta sharciga “iyaga oo u hoggaansamaya xirfaddooda iyo xakamaynta looga baahanyahay.”

Somaliland waxay sheegtay inay ka xun tahay “khasaaraha naf ahaaneed ee ka dhashay rabshadaha,” waxaana sheegtay in hay’adaha ku shaqada leh ay wadaan qorshe baadhitaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo dhacdooyinkii ka dhacay Borama.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa ugu baaqday saaxiibbada gobolka, beesha caalamka, iyo hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha amniga inay “gacanta ka geystaan cambaareynta ficillada xasilooni-darrada ee ay ku eedaysay Soomaaliya.”

Marka laga yimaado eeda xukuumada Somaliland, xaalada magaalada Borama ayaa salka ku haysa muran dhuleed oo u dhexeeya dadka wada daga deegaanada Awdal iyo Salal, rabashada ayaana bilaabmay kadib markii xukuumadu ay go’aamisay in munaasibada Xeer Ciise lagu qabto magaalada Saylac ee lagu muransanyahay taasi oo dadka reer Awdal ay diideen.

Hadaba xukuumada Somaliland ayaa gabi ahaanba joojisay munaasibada xeerka oo mudaysnayd in 14-ka bishan lagu qabto magaalada Saylac, iyada oo loo balamay in gogol nabadeed loo dhigo dadka gobolada Awdal iyo Salal wada daga 10-ka bishan.