Madaxda dhaqanka Somaliland oo soo saaray go’aamo lagu xakamaynayo colaadda ka taagan Boorama

4

Guddi madax-dhaqameed ah oo loo xilsaaray in ay ka hawlgalaan oo nabad kusoo dabaalida magaalada Boorama ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyo munaasibadda Xeer Ciise ee sababtay rabshadaha dad badani ku dhinteen.

Odayaasha oo saaka gaadhay magaalada Boorama ayaa shir la yeeshay madax-dhaqameedka magaalada, iyaga oo soo saaray saddex qodob oo xal loogu raadinayo xaaladda cakiran ee magaalada.

Afhayeen u hadlay guddida ayaa yidhi: “Waxaanu go’aaminay in la hakiyo arrinta Saylac ka socota, in aanu fidinayno gogol nabadeed oo layskugu yimaado 10 ka bisha, in xabbad dambe aanay dhicin, ciidankana aanu u sheegno, odayaasha reer Boorama-na ay dhankooda ka shaqeeyaan nabadgelyada.”

Guddida oo saaka waaberigii hore gaadhay magaalada Boorama ayaa la sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ku furtay, isla markaana ay dhinteen saddex askari oo ka mid ah ilaaladooda, iyadoo weli xabbaddo laga maqlayo qaybo ka mid ah magaalada. Inkasta oo xalay ciidanka millateriga laga saaray magaalada, hadana mudaharaadada ayaa socdeen.

Isku dhaca ciidamada iyo dadweynaha ayaa galaaftay nolosha in ka badan toban qof, iyadoo tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen. Xabbadda ciidanku u adeegsaday shacabka ayaa magaalada ka dhalisay cadho, iyadoo Cabdi Cismaan Dhagawayne, oo hore u soo qabtay xilal wasiir, lagu arkayay isaga oo ku dhawaaqaya: “Gala dagaalka oo magaalada ka baxa!”

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bulshada Boorama ugu baaqay inay is dejiyaan, isaga oo sheegay in arrintu ka wayntahay munaasibadda buugga, oo laysku haysto lahaanshaha degmada Saylac.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay ciidanka ka saartay magaalada, hadana ilaa xalay ciidamo dheeraad ah ayay ku daad-gureynaysay gobolka. Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa ku baaqay in arrinta si degdeg ah xal looga gaadho oo miiska wadahadalka layskugu yimaado.