Turkey: Soomaaliya oo wajahaysa halisyo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay Akadeemiyada Sirdoonka Turkiga ayaa ka digaysa in Soomaaliya ay soo galeyso xilli adag oo ay saameynayaan halisyo badan sida kooxda Al-Shabaab, kala qaybsanaanta siyaasadeed, daciifnimada hay’adaha dowladda, cadaadiska dibadda iyo culeyska dhaqaale.

Warbixinta oo ahayd mid dheer, balse aan kasoo qaadanay nuxurka ayaa sheegaysa in xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkey uu noqday mid dhowr lakab leh, balse jawiga uu ku shaqeynayo uu ka buuxo halisyo adag oo saameyn doona xasiloonida Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli fulinayaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan, waxayna maamulaan deegaano ka baxsan gacanta dowladda. sidoo kale, Sirdoonka Turkiga waxa uu khatar u arkaa in ciidanka Dowladda Federaalka aysan weli awoodin in ay dalka ka difaacaan kooxha argigixisada iyaga oo aan taageero dibadda helin.

Sirdoonka Qaranka ee Turkey ayaa sheegay hay’adaha dowladda Soomaaliya in ay wali ku tiirsan yihiin deeq-bixiyeyaasha, iyagoo aan awoodin inay si madaxbannaan u bixiyaan adeegyada aasaasiga ah. Dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta mashaariicda ayaa sidoo kale loo arkaa caqabad weyn.

Warbixinta ayaa xustay in mashaariic horumarineed, iskaashi amni iyo fursado dhaqaale oo ka yimaada xubinnimada Soomaaliya ee Jaamacadda Bariga Afrika ay jiraan, balse khataraha kor ku xusan ay weli ka dhigan yihiin caqabado weyn.

Warbixinta ayaa ku soo gabagabeysay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay sida ay u dhisi karto hay’ado shaqeynaya, si loo yareeyo halista kooxaha argagixisada,  maareynta khilaafaadka siyaasadeed, adkaysan karao cadaadis dibadda, isla markaana xasilin kara dhaqaalaha.