Ciidamada ICE oo bilaabay hawlgallo lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida Minnesota

6

Warbaahinta CBS News ayaa xaqiijisay in hay’adda socdaalka ee Mareykanka, ICE, ay bilowday hawlgallo ay ku beegsaneyso muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis–St. Paul.

Howlgalka ayaa imaanaya maalmo kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hadallo uu jeediyay ku sheegay inuu “doonaynin Soomaalida dalka,” isaga oo sidoo kale qoraallo hore ugu eedeeyay in qaxootiga Soomaaliyeed ay “qabsadeen Minnesota.”

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in ICE loo kordhiyay ciidamo iyo agab si ay u qabtaan dadka heysta amarada kama dambaysta ah ee dalka looga saarayo, waxaana la filayaa in boqolaal Soomaali ah lagu beegsado hawlgallada.

Dhanka kale, Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa ku andacootay in “nus” fiisayaasha Minnesota ay yihiin kuwo “khiyaano ah,” inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageerta sheegashadan. Codsi xog-raadis ah oo ay warbaahinta CBS u dirtay wasaaradda ayaan weli laga jawaabin.

Wararka hawlgalladan ayaa cabsi iyo walaac ka abuuray bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, iyagoo sheegay in dad horey loo xiray, halka ururrada bulshada ay wadaan isku dayo lagu diyaarinayo gargaar sharci iyo mid bulsho oo degdeg ah.