Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa ka dayrisay xaaladda abaarta ka jirta guud ahaan dalka, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii daba dheeraato maadaama uusan roobkii la filayey weli di’in.
Warbixin laga soo jeediyey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in abaartu dhaqdhaqaaqiisa ka saartay dad badan oo ku noolaa deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, waxaana meelo badan laga soo wariyey in biyo iyo baad toona aan laga helin.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixinta ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda maanta jirta ay dib u xasuusinayso abaartii halista badnayd ee “Saddex iyo Bar” oo dalka ku dhufatay dhowr sano ka hor, taas oo ay ku dhinteen in ka badan 40 kun oo qof.
Wuxuu xusay in abaarta ugu daran laga soo sheegayo maamulka Galmudug, halkaas oo dad iyo duunyaba ay ku adkaatay in ay helaan biyo iyo cunto toona, iyadoo si gaar ah ugu halis badan dadka reer guuraaga ah ee ku tiirsan xoolaha ay dhaqdaan.
SoDMA ayaa mar kale ku celisay digniinteeda ku aaddan xaaladda abaarta, waxayna beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah ka codsatay in ay kordhiyaan gargaar degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka ay abaartu saameysay.











