Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali (Cali Balcad) ayaa bartiisa X ku daabacay qoraal ay dadka badankiisu u arkeen inuu yahay jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhan ah hadalladii adkaa ee uu maalmahan jeedinayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo weerarro afka ah ku qaadayey Soomaalida Mareykanka ku nool iyo dowladnimada Soomaaliya.
Trump ayaa dhowaan ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay “dal dowlad la’aan ah oo uraya, isla markaana aan lahayn ciidan, nidaam ama sharci shaqeeya”, hadallo lagu tilmaamay kuwo xadgudub ah oo si weyn u dhaawacay sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed.
Qoraalkiisa ayaa u dhignaa sidan “Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda. Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna. Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado.” ayuu yiri Cali Balcad.
Illaa iyo hadda lama xaqiijin in hadalkan uu si toos ah ugu socdo Trump, balse waqti ahaan iyo macnaha guudba waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah hadalladiisa dabka lahaa, kuwaas oo caro weyn ka dhaliyay bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba.
Warka Cali Balcad ayaa ku soo aadaya xilli madaxweyne Trump uu hadallo adag u adeegsaday Soomaalida uu ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah, isagoo weerar ku qaaday Soomaalida ku nool Mareykanka iyo Ilhaan Cumar











