Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada sii kordhaya ee Soomaaliya ugu jirto xoojinta amniga badda, casriyeynta hay’adaha badeed, iyo kor u qaadidda kaalinteeda caalamiga ah ee dhinacyada badqabka iyo gaadiidka badda sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Intii kulanku socday, uu Wasiir Cabdulkhaadir si rasmi ah ugu wareejiyay Xoghayaha Guud waraaqaha caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska (IMSO), taas oo ka dhigan tallaabo taariikhi ah oo sare u qaadaysa awoodda dalka ee la socodka, maareynta, iyo ilaalinta howlaha badda.
Ku biirista heshiiskan ayaa sidoo kale xoojinaysa iskaashiga Soomaaliya iyo IMO ee ku aaddan horumarinta awoodaha farsamo, sharci, iyo amni.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorsheyaal ay Soomaaliya ku horumarinayso nidaamyada sharci-dejineed ee la xiriira badda, tababarrada hay’adaha badeed, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan casri ah oo looga hortago halisaha badda, looguna kobcin lahaa dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag ku gaartay dib u dhiska iyo casriyeynta hay’adaha badda, isagoo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga IMO uu gacan weyn ka geysan doono xaqiijinta amni badeed oo waara.
“Sharaf bay ii ahayd inaan la kulmo Xoghayaha Guud ee IMO Arsenio Dominguez,” ayuu yiri Wasiir Cabdulkhaadir.
“Wareejinta waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee IMSO waa bog cusub oo Soomaaliya u furmaya, kaas oo xoojinaya badqabka badda, ganacsiga, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.











