Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalat casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka soo qayb-gashay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ku soo gaba-gaboobay caasimadda dalka.
Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada, iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey go’aammada ka soo baxay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ku adkeeyay in talooyinkooda iyo go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nidaamka dowladnimo, ilaalinta qiyamka diinta Islaamka iyo ka hortagga fikiradaha gurracan ee argagixisada.











