Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hadal-jeedintii furitaanka ka sameeyay Madasha Caalamiga ah ee MEdays ee ka qabsoontay dalka boqortooyada Marooko.
Ra’iisul Wasaarada ayaa khudbadiisa kusoo jeediyay abuurista Isbahaysi Baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica oo ay Afrika hoggaaminayso, furitaanka marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka mid ah madaxda qarameed ee ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah oo ah tii 17-aad, kana soo qeybgalayeen ergo dunida inta badan ka socota.
Inta uu Marooko joogo ayuu Mudane Xamsa kulan doceedyo la yeelan doonaa madax kala duwan oo dunida ka socota, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirada iskaashi iyo danaha Soomaaliya.











