NOSUJ oo sheegtay in 79 kiis oo ku saabsan tacaddiyo galmo oo lagula kacay haweenka suxufiyiinta Soomaaliya

3

Ururka Suxufiyiinta ee NUSOJ ayaa  soo bandhigay warbixin cusub oo muujinaysa in haweenka suxufiyiinta ah ay kordheen tacaddiyada, hanjabaadaha iyo cabsi-gelinta lagula dhaqmo gudaha dalka.

NUSOJ, oo ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ), waxay ku baaqeen in sharciyo adag la hirgeliyo si loo difaaco haweenka warbaahinta ka shaqeeya loona ciqaabo dadka ka dambeeya xadgudubyadaas.

Warbixintan ayaa shaacisay in muddadii u dhexeysa 2023 iyo 2025 la diiwaangeliyey 79 kiis oo ku saabsan tacaddiyo galmo iyo kuwo ku salaysan jinsiga oo lagula kacay haweenka suxufiyiinta ah.

Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ah sida ay sheegtay NOSUJ, hanjabaado, iyo codsiyo lagu dalbanayo raalli-gelin galmo oo ragga qaar uga faa’iidaystaan cabsi-gelinta shaqada iyo ballanqaadyo shaqo. Dhaqamadaas ayay sheegtay inay goobaha shaqada ka dhigayaan kuwo cabsi leh oo aan ammaan u ahayn haweenka.

Dhanka kale, NOSUJ ayaa ka digtay halis cusub oo ah isticmaalka sirdoonka macmalka ah (AI), kaasoo lagu geysto weeraro online ah oo loo adeegsanayo in lagu dhaawaco sumcadda haweenka warbaahinta. Warbixintu waxay soo bandhigtay sheekooyin ay ka mid tahay suxufiyad la kulantay hanjabaado galmo iyo dil ah kadib warbixin ay ka qortay musuqmaasuq ka jira maamulka deegaanka..

NUSOJ waxay sheegtay in tacaddiyo badan aan la soo sheegin, maaddaama haweenka suxufiyiinta ah ay ka baqaan in shaqada laga eryo ama aargudasho. Arrintan waxay abuurtay sida NOSUJ sheegtay, dhaqanka aamusnaan ah oo u oggolaanaya dadka tacaddiga geysta inay ku sii shaqeeyaan iyaga oo aan cawaaqib xumo la kulmin.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Osman, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku faani karin in ay ilaaliso xorriyadda saxaafadda haddii haweenka suxufiyiintu ay maalin walba la kulmaan hanjabaad iyo bahdil.