Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Arbacadii soo saaray war-saxaafadeed uu ku muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaarta baahsan ee dalka ka jirta, taas oo saamaysay ku dhowaad shan milyan oo qof.
Farmaajo ayaa sheegay in qoysaska ay abaartu saameysay ay ku jiifaan xaalad adag oo soo jiitamaysay labadii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo aan weli la helin gargaar ku filan oo ka jawaaba baahida degdegga ah.
Madaxweynihii hore ayaa baaq culus u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada, isaga oo ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka jilicsan xilli kaalmooyinka caalamiga ahi ay si weyn hoos ugu dhaceen, isla markaana aanay daboolayn baahida sii kordheysa.
Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ugu yeeray qurbe-joogta Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isaga oo ku adkeeyay in ay muujiyaan midnimo iyo iskaashi si loogu gurmado deegaanada abaartu sida daran u saameysay.
Wuxuu rajo ka muujiyay in Beesha Caalamka ay dardar geliso gurmadka bini’aadantinimo, si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo qoysaska ku dhibaateysan gobollada uu abaaruhu ka taagan yahay.











