Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga oo hortagay Golaha Shacabka.

2

Kulanka, oo ay 140 xildhibaan ka qeyb galeen, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.