Maamulka Puntland ayaa War ka soo saartay howlgal culus oo cir iyo dhul isku jiray, oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen Togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan maleeshiyada Daacish.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta X ee maamulka Puntland waxaa lagu yiri: “Aaga Calmiskaad, howlgal cir iyo dhul ah oo ay fuliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsare oo ka tirsan argagixisada Daacish. Wixii faahfaahin ah waan ka soo gudbin doonnaa.










