Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Abdi Hassan kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.
Marxuumka ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas waxay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu khatarta badan dhanka burcada beegsata ganacsatada Soomaalida.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa saacado kadib tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano la xiriira falkaas, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.
Dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa si aad ah u kordhay maalmahan dambe mana jirto wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhibaatooyinkan soo noqnoqday ee lagu beegsanayo nafta iyo maalka Soomaalida dalkaas ka dhex shaqeysata.
Sanad kasta Soomaalida aad u badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, hayeshee ma muuqato wax talaabo amni ah oo ay qaadeyso dowladda Koofur Afrika si loo yareeyo dhibaatada sii kordheysa











