Madaxweynaha Kazakhstan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

3

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kazakhstan, Kassym Jomart Tokayev, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirinimo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhi doona dalkaasi, Fatxudiin Cali Maxamed.

Munaasabadda oo si heer sare ah loogu qabtay qasriga madaxtooyada Kazakhstan ayaa lagu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalkaas u fadhin doona.

Safiir Fatxudiin Cali Maxamed oo qoraal kooban ku faafiyay bartiisa gaarka ah ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan waraaqahayga aqoonsiga danjiranimo u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kazakhstan Mudane Kassym Jomart Tokayev.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli labada dal ay bishii August 27, 2025, si rasmi ah ugu kala saxiixdeen xarunta Qaramada Midoobay heshiiska lagu dhisayay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Heshiiskaas oo ay wada saxiixeen Danjiraha Kazakhstan u fadhiya Qaramada Midoobay, Kairat Umarov, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman, ayaa lagu sheegay in uu furayo bog cusub oo muhiim ah oo taariikhdooda wada shaqeyn ah ku saabsan.

Labada dal waxay ku heshiiyeen inay dhowraan madaxbannaanida, isku duubnida dhuleed, iyo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay hormariyaan iskaashi labada dhinac ah iyo mid ku dhex-mara hay’adaha caalamiga ah.

Meelaha muhiimka ah ee ay labada dhinac ku ballameen waxaa ka mid ah, Horumarinta arrimaha socdaalka iyo ganacsiga, Amniga, Tamarta, gaadiidka iyo xiriirka dhaqaale, Beeraha iyo sugnaanta cunnada, Waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo dijitaleynta adeegyada dadweynaha.