Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor ayaa cambaareeyey beegsigii dhawaan Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ay ku sameeyeen jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
“Kuma eedayno sharci-darrada hal shakhsi bulsho dhan,” ayay tiri Ilhaan, iyada oo tixraacaysa dilal badan oo ka dhacay Minnesota iyo kiisas musuq ah oo ku saabsan adeegyada bulshada, kuwaas oo qaar badanoo ka mid ah ay ku lug lahaayeen Soomaali-Maraykan lagu eedeeyay inay boqollaal kun oo doollar inay ka qaateen barnaamijyada dowladda ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gaajaysan, lagu caawiyo dhalinyarada autismka qaba iyo in ay dadka ka caawiyaan helitaanka guri.” Ayay tiri.
”Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.
”Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,” ayuu yiri.











