Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
Shirkan oo soconaya laba maalmood ayaa sanadkan diiradda saaraya guulaha dowladda ka gaartay bixinta adeegyo casri ah oo lacag la’aan ah, hufan, isla markaana 24-saac u diyaarsan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka.
Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda federaalka, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada, daneeyayaal caalami ah iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Timacadde, oo jeediyay khudbaddiisa furitaanka, ayaa sheegay in hay’addu ay tan iyo aas-aaskeedii diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo muwaadiniin ah. Waxa uu intaa ku daray in NIRA ay qorsheyneyso in saddexda sano ee soo socda ay diiwaangeliso 15 milyan oo qof.
Shirweynaha oo socon doona laba maalmood ayaa lagu soo bandhigi doonaa dood-cilmiyeedyo, daraasado iyo talooyin ku saabsan xoojinta kaabayaasha aasaasiga ah ee nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Slogan-ka sanadkan ayaa ah: “Xoojinta Kaabayaasha Aasaasiga u ah Adeegsiga Aqoonsiga Qaranka.”











