Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dhageysi saacado badan qaatay oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada. Sidoo kale, maxkamaddu waxay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $500 ku xukuntay sayga Hodan, oo 65 jir ah, kaasi oo lagu helay inuu qeyb ku lahaa dambiga.
Inkasta oo Hodan Maxamuud ay maxkamadda ka sheegtay inay aysan dilin Saabiriin, haddana waxay qiratay inay jirdil joogto ah u geysan jirtay. Maxkamaddu waxay sheegtay in caddaymaha la soo bandhigay ay muujinayaan in ay iyadu ka dambeysay falka dilka ah.
Maxkamaddu waxay labada eedeysane u ogolaatay muddada racfaanka oo ah hal bil. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka maxkamadda isagoo sheegay inuu racfaan ka qaatay xukunka lagu riday Hodan.
Marxuumad Saabiriin, oo aan weli la aasin, ayaa lagu wadaa in galabta loo wareejiyo ehelkeeda si ay u aasaan.
Dilka Saabiriin ayaa sidoo kale sababay mudaharaadyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sababay dhimashada hal qof iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.











